|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
![]() |
Somali Television Internet waa shirkad la asaasey bishii july sanadka 2006 waxaana ay ka mid tahay qeybaha warbaahinta soomaaliyeed ee cusub. |
|||
![]() |
||||
Shirkadan waxaa maal-gashadey ganacsat soomaliyeed oo la kaashadey dad qibrad dheer u leh hawlaha warbaahinta soomaliyeed waxaana shirkada sababaha loo aasaasey ay tahay in dadka soomaliyeed kuwa qurbaha ku nool iyo kuwa dalka somalia jooga iney ka haqab tirto warar iyo barnaamijyo xiiso leh tafaftir weyna lagu sameeyey. |
||||
Siyaasada ama wadada ay ku shaqeyneyso shirkada warbaahinta somali television internet waxa ay tahay mid ka madax banaan dhamaan arimaha siyaasada somalia ka jira iyadoo qolo gaar ah aan u adeegi doonin mar kastana wararka iyo barnaamijyada ka baxaya ay noqon doonaan kuwa dhex dhex dhexaad ah siweyna loo tafaf tirey. Shirkadan xarunteeda waa wadanka mareykanka gaar ahaan magaalada mineapolis iyadoo xarumo isugu jira studio iyo xafiisyo ku leh gobolada mareykanka iyo meelo kale oo caalamaka ah. Waxey shirkadan warbaahinta ah soo dhaweyneysaa dhamaan talooyinka iyo fikradaha kala duwan ee dadka soomaliyeed meel kasta oo ay caalamka ka joogaan. |
||||
2007 SomaliTVWorld.com and SomaliTVInternet.com. All rights reserved. Website Design by SomaliTVWorld, Mpls, MN USA |